cover image: Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda - Aragtida Shacabka ee Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya - 14

20.500.12592/khgd22

Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda - Aragtida Shacabka ee Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya - 14

Aragtida laga qabo dastuurka Dadka sheegay in ay fikir ama fikrad buuxda ka heystaan dastuurka, tiro aad u badan oo kamid ah (72 boqolkiiba) waxa ay sheegeen in ay aragti wanaagsan ka qabeen dastuurka, halka 28 boqolkiiba ay dareen/aragti tuhun wadata ay dastuurka ka qabeen Sida aan ku sheegnay warbixin uu Machadka Heritage daabacay sanadkan 2017, ka qeyb gelinta shacabka ee arrimaha dastuurka ee. [...] In ku dhawaad saddex meelood meel dadka noo jawaabay ay ku qiimeeyeen dastuurka federaalka in uu yahay mid hooseeya waxa ay hay’adaha ka shaqeeya dastuurka sida Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u- eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Lasocodka Baarlamaanka, iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka u muujineysaa in loo baahan yahay in ay ballaariyaan la tashiga dadweynaha si loo xaqiijiyo in muwaadiniin. [...] In ka badan kala bar (53.3 boqolkiiba) ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in qodobada dastuurka aanan la dhaqan gelinin, halka 35.5 boqolkiiba ay ku jawaabeen in dastuurka ay ku dhaqmeen masuuliyiinta dalka. [...] Xaqiiqadu waxa ay tahay, arrimaha muranku ka jiro iyo qodobada la xiriira ee dastuurka ku jira waxa ay muhiim u yihiin hannaanka dib-u-eegista dastuurka, waxa ayna u baahan yihin wada hadal iyo heshiis wadar-oggol ah in ay ka gaaraan bulshada, ee anay dhowr siyaasi si gooni ah isaga afgaran. [...] Maaddaama hoggaan cusub uu qabtay dowladda federaalka, in ahmiyad mug iyo macno leh la siiyo in dib-u-eegis sax lagu sameeynayo dastuurka iyo in loo oggolaado shacabka iyo bulshada rayidka in ay ka qeyb galaan dib-u-eegista dastuurka, waxa ay tallaabo muhiim ah u noqon kartaa in la helo dastuur nidaamiya danaha dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha dowladda.
Pages
5
Published in
Mogadishu, Somalia