cover image: Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda 18 03/2019 - Hoggaanka Madaxweyne Farmaajo Qoraal kooban

20.500.12592/b0b79w

Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda 18 03/2019 - Hoggaanka Madaxweyne Farmaajo Qoraal kooban

Afar, Hannaanka Isla-xisaabtanka Loo- dhan-yahay ayaa ah, qorshaha istaraatajiyadeed, oo kaliya ee cad, oo la fahmi karo, oo ilaa hadda, ka soo baxay, xukuumadda Farmaajo, kaas oo fududaynaya, in la qiimeeyo in ay u fuleen qorshayaashii ay xukuumaddu ballan qaadday in ay hirgelinayaan. [...] Waxaana muuqata in ay ka maagayaan, wada-hadal rasmi ah oo dimuqraadi ah, daahna furan in ay la galaan dhinacyada ay khusayso doorashadu ee Soomaalida kale, sida xisbiyada siyaasadeed, baarlamaanka iyo bulshada rayadka ah – si dalka ay uga dhacdo 2020- ka doorasho xalaal ah, oo qof iyo cod ah. [...] Waxaana la tuhunsan yahay sababta ay uga war-wareegayaan madaxda dowladdu, in ay dadka ka talagaliyaan qaabka lagu hirgelin karo hannaan doorasho oo xor ah oo xalaal ah, in ay tahay, sida ay uga go’an tahay in ay awoodda sii haystaan, doorashada tan xigtana, ay iyagu madaxnimada ugu soo noqdaan. [...] Haddii Xukuumadda Farmaajo ay labada sano oo u hartay ku guulaysato in ay guul ka keento arrimaha ay ka gaabisay, waxaa u suurto geli karta, in ay dadka ku qanciso in dib loo doorto. [...] In Madaxweyne Farmaajo uu u isticmaalo shirka soo socda oo uu la leeyahay madaxda maamul-goboleedyada mid uu ku laba kacleeyo, xiriiradii xumaaday uu ku wanaajiyo, uuna abuuro wadashaqayn waddar-ogol ah oo dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu ay isku talo ku hawl-galaan; kuwa madaxweynaha kula talinaya in isku-tanasulku aanu isaga dan u ahayn ama ay wiiqayso, waxay u horseedayaan oo kaliya, in u.
Pages
7
Published in
Mogadishu, Somalia