cover image: Machadka Heritage ee Daraasaadka - Warbixinta Sanadka 2014

20.500.12592/hj2mfj

Machadka Heritage ee Daraasaadka - Warbixinta Sanadka 2014

Hay'ado kale oo magac iyo micno leh ayaa iyaguna muujinaya ahmiyadda ay ardayda u leedahay in ay Machadka Heritage ku jara- bartaan, iyada oo sanadkaan ay dhacday in Jaamacadda Minnesota ay ardayyaddii ugu danbeysay ee sanadkaan machadka ku tababartay hal buundo oo derejada masterka ay jaamacaddu u xisaabisay muddadii ay ku tababaranaysay kana shaqaynaysey Machadka Heritage. [...] Si uu machadku u suurtageliyo in Soomaalida dalka ku nool iyo kuwa qurbuhu ay si isla eg oo xaq soor ah ay uga wada faa'iideystaan fursadda khaaska ah ee tababarka iyo xiriir samaysiga isugu jirta, machadku waxa uu arday iyo cilmibaarayaal curdan ah oo tababar qaata ka soo xulaa dalka gudahiisa iyo dibaddiisa. [...] Cilmibaarayaal ka tirsan Machadka Heritage ayaa lagu casuumey shirar caalami ah si ay ula wadaagaan fikirka iyo aqoontooda kuwaas oo ay ka mid ahaayeen shir seddex maalmood socday oo ciwaankiisu ahaa Dhaqaalaha IGAD iyo Federaalaynta Soomaaliya, oo lagu qabtay Addis Ababa kaas oo ay ka soo qayb galeen madax sare oo dalalka IGAD oo dhan ah. [...] Daraasaddii ugu horreysey ee Machadka Heritage soo saaro horraantii 2013 waxay ku saabsanayd isku daygii dowladda Kenya ay ku damacsanayd in ay soo celiso qoxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool, oo qaar ilaa 1992-dii ay ku jireen xeryo qoxooti; machadka waxa uu markaas ku dooday in xaaladda amni ee Soomaaliya aysan munaasab u ahayn soo celinta tiro intaa la'eg ee qoxooti ah. [...] Mashaariicda Arrimaha Bini'aadamnimada ku saabsan ee u qorshaysan in uu daraasad ka sameeyo Machadka Heritage waxaa ka mid ah: Daraaseyna Hannaanka Samafal iyo Horumarineed ee Turkey: Soo gelidda Turkey ee Soomaaliya oo ahayd arrin xilligeedu dhawaa, iyada oo Soomaalida lagu yaqannay tuhun iyo shaki ku wajahan ajaanibta, waxay noqotay mid si weyn dadka Soomaaliyeed u soo dhaweeyeen.

Authors

Zainab Hassan

Pages
22
Published in
Mogadishu, Somalia