cover image: Faallo Qoto-dheer : - 14 Sebteembar 2022 Xulashooyinka lagu xallin karo

20.500.12592/trj4mn

Faallo Qoto-dheer : - 14 Sebteembar 2022 Xulashooyinka lagu xallin karo

24 Oct 2022

Welwelka laga qabay in Muqdisho ay udub dhexaad u ahayd siyaasadda Soomaaliya ayaa qeyb muhiim ah ka ahayd dagaalladii sokeeye ee horseeday burburka dowladnimo ee sanadkii 1991, waxaana ilaa maanta qaar kamid ah kooxaha ku nool gobollada ka fog Muqdisho ay ka feejigan yihiin in kooxda gacanta ku haysa caasimadda ay awood aad u badan yeelato. [...] ɋ Sidee Muqdisho loogu metelayaa hay’adaha qaranka? Maqaamka Muqdisho ayaa qaabeyn doona sida magaalada loogu metelayo hay’adaha qaranka, sida Golaha Amniga Qaranka, iyo sidoo kale metelaadda ay ku leedahay Aqalka Sare.1 ɋ Sidee ayuu maqaamka Muqdisho saameyn ugu yeelanayaa heshiiska guud ee nidaamka federaalka? Maqaamka Muqdisho ayaa saameyn ku yeelan doona isku dheeli tirnaanta awoodeed ee ka dh. [...] Magaaladu waxay u badan tahay in ay yeelan doonto metelaad ballaaran oo Aqalka Sare ah, oo lamid ah dowlad-goboleedyada kale, inkastoo xal ka duwan laga yaabo in loo baahdo in loo helo sida loo maamulayo degmooyinka noqonaya caasimadda. [...] ɋ Waxa laga yaabaa in si meel dhexaad ah loo xalliyo doorka Muqdisho ee han- naanka guud ee federaalka, sida dejinta nidaam gaar ah ee dakhli-wadaag ah ee dheelli-tiraya madax-bannaanida dowlad-goboleedka Muqdisho iyo muhiimadda dowladda federaalka oo heleysa dhaqaale ku filan oo ay ku fuliso agendaha heer qaran una maareyso sinnaan la’aanta ka dhex jirta dowlad-goboleedyada. [...] Isku-darka Muqdisho, Balcad iyo Afgooye si loo sameeyo dowlad-goboleed cusub Xulasho kale waxay noqon kartaa in degmooyinka Balcad iyo Afgooye (oo ka kala tirsan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose) lagu daro qeybo kamid ah Muqdisho si loo sameeyo dowlad-goboleed cusub, iyadoo degmooyinka harsan loo asteynayo in ay noqdaan caasimadda dalka oo ay toos u maamusho dowladda federaalka.

Authors

Xuquuqda daabacaadda © Machadka Rift Valley 2022

Pages
9
Published in
Somalia
Title in English
In-depth comment: - 14 September 2022 Solvable options [from PDF Fonts]