cover image: 09 Sebteembar 2022 Xulashooyinka awood qeybsi ee nidaamka federaalka Soomaaliya

20.500.12592/xf1n32

09 Sebteembar 2022 Xulashooyinka awood qeybsi ee nidaamka federaalka Soomaaliya

24 Oct 2022

Ilaa hadda ma jiro wax heshiis ah oo ay Soomaalidu ka gaareen arrintan, iyadoo dastuurka federaalka kumeelgaarka uu bixinayo oo keliya tilmaamahaan soo socda oo iska hor imaanaya oo ku saabsan awood qeybsiga: ɋ Qodobka 54-aad waxa uu dhigayaa afar awoodood oo gaar u ah dowladda federaalka ee Soomaaliya: 1) arrimaha dibadda; 2) difaaca qaranka; 3) jin- siyadda iyo socdaalka; iyo 4) siyaasadda lacag. [...] Kalmadaha dambe ee qodobkan waxay sheegayaan in qeexitaan dheeraad ah oo ku saabsan qoondeynta awoodda iyo kheyraadka ay dib uga wada xaajoon doonaan mustaqbalka dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah, taasoo ka dhigeysa habka awood-qeybsiga gebi ahaanba mid aan qeexneyn. [...] Awoodahan ayaa inta badan ka dhex muuqda nidaamka federaalka, marka la isku raaco in loo baahan yahay wadashaqeyn dhex marta heerarka kala duwan ee dowladda ee dhinacyada qaarkood, sida beeraha, caafimaadka iyo waxbarashada.2 Marka lasoo koobo, dastuurka federaalka kumeelgaarka ayaa ku guuldarrey- stay in uu qeexo in badan oo kamid ah sida awoodda loogu qeybinayo heerarka kala duwan ee dowladda. [...] Meelaha kale oo ay ka jirtay xiisadda la xiriirta awood-qeybsiga waxaa kamid ahaa arrinta ku saabsan qeybinta deeqa- ha caalamiga ah iyo doorka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee waxbarashada. [...] Awoodaha dhaqaale: Waxaa kamid ah arrimaha muhiimka ah ee maam- ulka maaliyadda iyo siyaasadda dhaqaalaha, sida siyaasadda lacagta; nidaaminta ganacsiga gudaha iyo dibadda; siyaasadda iyo nidaaminta qey- baha muhiimka ah – sida beeraha, tamarta iyo dhismaha – iyo maamulka kheyraadka qaranka, sida dhulka, biyaha, saliidda iyo gaaska, iyo kalluu- maysiga.

Authors

Xuquuqda daabacaadda © Machadka Rift Valley 2022.

Pages
10
Published in
Somalia