Febraayo 2023 - Heshiiska siyaasadeed ee Hirshabeelle - Fursadaha lagu dhalin karo hannaan

20.500.12592/vz8j10

Febraayo 2023 - Heshiiska siyaasadeed ee Hirshabeelle - Fursadaha lagu dhalin karo hannaan

10 Feb 2023

Somali Dialogue Platform Heshiiska siyaasadeed ee Hirshabeelle 3 Arrimaha lagu muransan yahay ee siyaasadda Hirshabeelle Arrimaha ugu muhiimsan ee la isku khilaafsan yahay ee heshiiska siyaasadeed ee Hirshabeelle, oo inta badan ka dhashay dhisidii maamulka ee deg-degga ahayd ee sanadkii 2016 iyo doorashadii dowlad-goboleedka ee dhacday 2020-ka, waxaa kamid ah. [...] Somali Dialogue Platform Heshiiska siyaasadeed ee Hirshabeelle 5 Wax-ka-bedelidda heshiiska siyaasadeed Hal-u-helidda heshiiska siyaasadeed ee Hirshabeelle waxa ay u baahan tahay in dib loogu laabto hannaanka maamulka loo sameeyay iyo in la abuuro fursad iskaashi iyo wada shaqeyn ee kooxaha—markaas kadib, waxaa la xalin karaa arrimaha asaasiga ah ee awood qeybsiga oo carqaladeynaya dadaallada dowl. [...] Waa in hawshan dib-u-heshiisiinta aysan ku koobnaan odayaal iyo siyaasiyiin dhawr ah oo mudnaan gaar la siiyo, kuwaasoo laga yaabo in ay dano gaar ah riixayaan, waxaana loo baahan yahay in dadaallada dib-u-heshiisiintu ku lug yeeshaan shirar dib- u-heshiisiineed oo isdaba joog ah oo ka dhaca dowlad-goboleedka oo lagu xallinayo tabashooyinka jira. [...] Waxaa sidoo kale wanaagsanaan lahaa u doodista in dhaqaale dheeraad ah uu dowlad-goboleedka ka helo dowladda federaalka iyo beesha caalamka taasoo qeyb ka ah doodaha ballaaran ee ku saabsan federaaleynta maaliyadda, iyadoo ujeedadu tahay in la hubiyo in dowlad-goboleedka uu helo dakhli ku filan si uu u bixiyo howlaha aasaasiga ah ee dawlad-goboleedka looga baahan yahay. [...] Sidoo kale waxaa muhiim ah in lagu heshiiyo u qeybinta ciidamada labada gobol ee Hirshabeelle, kahor inta aanu wada hadalka diiradda saarin ciidamo cusub oo loo abuuro — waxaa suuragal ah in la diiwaangeliyo oo la tababaro maleeshiyaadka horey u jiray sida Macawiisleey oo dhawaanahan dagaalka kaga jiray gobolka Hiiraan.
Pages
7
Published in
Somalia